Home WARARKA MAANTA xildhibaano ka socda Mareykanka oo booqday magaalada Kismaayo

xildhibaano ka socda Mareykanka oo booqday magaalada Kismaayo

1
0

Talaado 3 Augsto 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa 29-kii Luulyo 2026 magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay xildhibaan Ronny Jackson, oo ay ku jireen 11 xildhibaan oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka, Ku-simaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Justin Davis, iyo mas’uuliyiin kale sida ay baahisay Madaxtooyadda Jubaland.

 

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Jubaland, kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dhinac ee la xiriira la-dagaallanka kooxaha hubeysan, taageerada dhinacyada amniga, dhismaha hay’adaha dowladeed, iyo arrimo kale oo la xiriira horumarinta Jubaland.

 

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in wafdiga Mareykanka ay bogaadiyeen dadaallada Maamulka Jubaland ee la-dagaallanka kooxaha Argagexisada sida Al-shabaab, iyagoo xusay hawlgalladii ugu dambeeyay ee ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Ammaanka Jubaland, Kumaandooska Danab ee ka howlgala Jubaland iyo AFRICOM.

 

Dhanka kale, Jubaland ayaa uga mahadcelisay Dowladda Mareykanka taageerada ay muddo dheer u fidinaysay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo xoojinta hay’adaha dowladda.

 

Kulanka waxaa Madaxweynaha Jubaland ku weheliyay Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin, Xoghayaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif, Guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaannada Soomaaliya iyo Mareykanka, iyo Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle, oo ah wakiilka Dowlad Goboleedka Jubaland ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

 

Marka laga soo tago warka ka soo baxay Madaxtooyadda Jubaland waxaan si rasmi ah loo xaqiijin karin fariinta rasmi ah ay wafdigaan ka sideen Madaxda ka sareeysa ee Mareykanka maadama in dhawaalaba ay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ku howlaneed sidii Jubaland loogu qancin lahaa inay miiska wada hadalka dib ugu soo laabato iyo dadaalada Mareykanka ugu jiro in dhinacyada siyaasadda isku haaya ay hal mowqif ka is taagi lahaayeen arrimaha muranka badan ka taagan yahay ee Doorashada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here