Home WARARKA MAANTA Loolanka Kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo sii xoogeystay

Loolanka Kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo sii xoogeystay

1
0

Talaado 3 Augsto 2026 {CBB}Loolanka loogu jiro hanashada kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo si rasmi ah loo furay Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka.

 

Kursiga ayaa bannaanaaday kaddib markii Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) loo doortay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, waxaana hadda u taagan musharrixiin ay ka mid yihiin Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Saadaad Maxamed Nuur Caliyow, iyo Xildhibaan Saalax Shariif Siidkey.

 

Saadaad Maxamed Nuur Caliyow ayaa iska casilay xilkii Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, isagoo sheegay in go’aankaasi uu la xiriiro sidii uu si buuxda ugu tartami lahaa xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

 

Dhanka kale, Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa magacawday guddi ka kooban sagaal xubnood oo loo xilsaaray qabanqaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyadoo fartay inay si degdeg ah u gutaan waajibaadkooda.

 

Magacaabista guddigan ayaa dhalisay muran siyaasadeed. Qaar ka mid ah musharrixiinta u tartamaya xilka ayaa shir jaraa’id ku sheegay in guddiga uusan dhexdhexaad ahayn, iyagoo ku eedeeyay Hab-dhowraha Baarlamaanka, Maxamed Cabdullaahi Nuux, inuu u ololeynayo musharrax gaar ah.

 

Sidoo kale, xildhibaanno isku magacaabay “Baarlamaanka Xorta ah” ayaa si adag uga horyimid guddiga ay magacawday Sacdiyo Yaasiin, iyagoo ku dooday in hay’adaha dowladda ay yihiin ku-meel-gaar maadaama, sida ay sheegeen, muddo-xileedkoodii uu dhammaaday. Waxay ku baaqeen in la joojiyo tallaabo kasta oo keeni karta kala qaybsanaan siyaasadeed iyo muran ku saabsan hannaanka doorashada.

 

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la filayaa inay noqoto mid si weyn isha loogu hayo, maadaama natiijadeedu saameyn ku yeelan karto jihada siyaasadda Soomaaliya bilaha soo socda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here