Talaado 3 Augsto 2026 {CBB}Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay habraaca, shuruudaha musharaxnimada iyo xilliga ay dhaceyso doorashada hoggaanka cusub ee Aqalka Hoose.
Lacagta Diiwaangelinta iyo Shuruudaha Guddiga ayaa dajiyeen kharashka laga rabo musharaxiinta doonaya inay u tartamaan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Musharaxa ragga ah ayaa laga rabaa lacag dhan $30,000, halka qofka Dumarka laga qaadayo $15,000.
Sidoo kale, qofka doonaya inuu u tartamo kursigan sare ee dalka, waxaa lagu xiray shardi adag oo ah; haddii uu haysto Baasaboor Ajnabi, inuu ka tanaasulo ama celiyo.
Hoos ka akhriso Shuruudaha ay soo saareen Guddiga








