Talaado 12, Nov 2024 {CBB}Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Koonfur Galbeed oo ka shaqeyneysa in Ardayda deegaanadooda ay ku helaan adeegyada Wasaaradda ayaa Degmada Afgooye ka furtey Xafiiska Shahaadooyinka Gobolka Shabellaha Hoose.
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Mudane Mohamed ibrahim Barre iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Fadal Abdullahi Mursal oo ay wehliyaan kormeeraha guud iyo gudoonka Waxbarashada Gobolka, Maamulka Degmada Afgooye iyo Kan Deegaanka Lafoole ayaa ka qeybgalay Xarig Jarka.
Xafiiskan ayaa lagu bixin doonaa Shahaadooyinka guud ahaan Gobolka Shabellaha Hoose, Waxa uuna meesha ka Saari doonaa in Shahaadooyinka loo doonto Magaalada mogadisho oo markii hore loo aadi jiray.