Home WARARKA CAALAMKA Meta oo Ganaax lacageed ku mutaysatay in ay kahortagi waysay Waxyaabo khatar...

Meta oo Ganaax lacageed ku mutaysatay in ay kahortagi waysay Waxyaabo khatar ku ah Carruurta

2
0

Jimco 7, August 2026 {CBB}Shirkadda Meta ayaa ganaax lacageed oo culus garka loo geliyay kaas oo dhan $567 Milyan oo doollar, kaddbi markii Garsoore Maraykan ah oo katirsan Gobolka New Mexico uu ku eedeeyay in ay xakamayn waysay khataraha ka dhanka ah Carruurta.

Meta oo si toos ah u hoos yimaadaan Facebook, Instagram, WhatsApp, Messenger, Threads, Meta Quest & Meta AI ayaa dusha laga saaray inay dayacday mas’uuliyadda Barnaamijyada lagu ilaalinayo Carruurta isla markaana looga hortagayo waxyaabaha halista ku ah.

Waxaa jirtay lacag horay sidaan oo kale loogu ganaaxay Shirkadda Meta taasi oo dhan ah $375 Milyan oo doollar, wadarka waxa ay hadda noqonaysaa $942 Milyan oo doollar oo dhibaato culus ku noqon doonta marka la eego faa’iidada sannadkaan ay ku xisaabtamayso.

Afhayeen u hadlay Shirkadda Meta ayaa ganafka ku dhuftay eedaha loo jeediyay shirkaddooda, waxa uu xusay in ay racfaan ka qaadan doonnaan maadaama ay u arkaan xukunkaan mid aan sal adag lahayn oo shirkadda ka dhan ah sida uu ku dooday.

Sidaan oo kale Meta waxa ay isla sannadkaan wajahday Dacwad tan lamid ah oo ka timid Los Angeles, waxaana dacwadahaan loo arkaa in ay hoos u dhigeen dhaqaalaha, sumcadda iyo kalsoonida Dadka ku xiran sida hadalka loo dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here