Talaado 12, Nov 2024 {CBB}Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ay wehliyaan Xildhibaanno katirsan Golahaas ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay Dalka Ingiriiska.
Xubnaha la socda Guddoomiye Aadan madoobe waxaa kamid ah Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri iyo xubno kale oo dhammaantood martiqaad ka helay Baarlamaanka Dalka Ingiriiska.
Aadan Madoobe ayaa kulan gaar ah la qaadan doonno Guddoonka Baarlamanaka Dalka Ingiriiska oo ay kawada hadli doonnaan xaaladda Labada dhinac, Xoojinta xiriirka iyo saaxiibtinimada ka dhaxeysa labadaan dhinac.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay u magacaabay Guddi ka shaqeeya Saaxiibtinimada Dalalka cilaaqaadka ka dhaxeeya wanaagsan yahay si loo dardargeliyo howlaha horyaalla sida hadalka hadalka loo dhigay.