Home WARARKA MAANTA Fahad Yaasiin oo ka falceliyay heshiiska ay wada gaareenTurkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Fahad Yaasiin oo ka falceliyay heshiiska ay wada gaareenTurkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

1
0

Sabti 8 Aug 2026 {CBB}Taliyihii hore ee Nabad Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasin oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook, ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid mid taariikhi ah isla markaana Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ka faa’iidaya. SomaliaNews Coverage

“Heshiiska wadajirka ah ee difaaca ee u dhexeeya Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan wuxuu ka dhigan yahay tallaabo taariikhi ah iyo go’aan istiraatiiji ah oo ilaalinaya danaha dalalka ku teedsan Badda Cas iyo Badweynta Hindiya,” ayuu ku yiri qoraalkiisa Fahad Yaasin.

Wuxuu intaas ku daray: “Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ka faa’iideysanaya heshiiskan, maadaama uu amniga qarankeeda siinayo taageero xooggan oo uga imanaysa dalalka Carabta iyo kuwa Muslimka ah ee ay xiriirka dhow la leedahay,”.

Isagoo qoraalkiisa sii wata ayuu yiri:

“Heshiiskani wuxuu xambaarsan yahay macne taariikhi ah iyo mid ilbaxnimo. Isbahaysiga iyo iskaashiga quwadaha waaweyn ee Muslimiinta xilligan adag waxay fariin cad u dirayaan dhammaan dhinacyada isku dayaya inay farageliyaan ama khalkhal geliyaan amniga istiraatiijiga ah ee saddexda dal iyo joogitaankooda gobolka,”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here