Arbaco 13, Nov 2024 {CBB}Muuse Biixi Cabdi oo ah Musharraxa xilka Madaxweynaha Maamulka Somaliland ku metalaya Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo saakay Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu ku qanacsan yahay natiijo weliba uu ka helo sanaadiiqda codbixinta.
Xisbiyada la tartamaya ayuu ku wargeliyay in aysan ku buuqin natiijada la shaaciyo lana ilaaliyo xasiloonida deegaannada Maamulka Somaliland sida uu hadalka u dhigay Musharrax Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
“Natiijada uu soosaaro Komishinka dabadeed yaala hadlin, aniga kama hadlayo oo waan ku gowracanahay, Aniga waxa maanta ii muuqda kama welwelayo oo inta aan noolaa waala soo tartami jiray” Muuse Biixi Cabdi.
Deegaannada Maamulka Somaliland (Gobollada Waqooyi Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya) waxaa saakay looga dareeray codbixinta Dadweynaha si ay u doortaan Madaxweynaha cusub ee hoggaamin doonna 5ta sano soo socota.