Arbaco 13, Nov 2024 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Magaalada Nairobi ujooga safar shaqo ayaa kulan la qaatay Danjiraha Midowga Yurub ufadhiya Soomaaliya Ms Karin Johansson
Madaxweyne Laftagareen iyo Ms Karin Johansson ayaa ka wada hadlay Xaalada Siyaasada Dalka, Amniga guud Deeganada Koonfur Galbeed ,Mashaariicda EU ay ka wada Deeganada Koonfur Galbeed iyo Arimaha Biniadanimada.
Kulanka waxaa Madaxweynaha ku wehlinaayey Wasiirada Wasaaraddaha Qorshaynta, Gargaarka, Agaasimaha Madaxtooyada iyo la Taliyaha Madaxweynaha.