Sabti 15 Aug 2025 {CBB}Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad-Goboleedka HirShabeelle ayaa shaacisay in Ardayda ku nool Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ee arrimaha Amniga dartood uga baaqday Imtixaankii la qaaday June ayaa markale dib u geli doonna.
Wasiirka Waxbarashada Dowlad-Goboleedka HirShabeelle, Siciid Hagar Camalow ayaa sheegay in Wasaaradda oo kaashanaysa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dib fursad u siinayso Ardaydaas oo culays dhinaca nabadgalyada ah u haray.
Siciid Hagar Camalow ayaa xusay in aanay suuragal ahayn in ay dib u dhacaan ama ka haraan Imtixaankaan sidaas awgeed markale fursad loo siiyay dib u gelista Imtixaanka inkasta oo uusan sheegin waqtiga laga qaadayo.
“Ardaydii Sababo amni dartood uga baaqday Imtixaanka Shahaadiga ee ku sugan Jalalaqsi waa diyaarsan yahay Imtixaankooda, dhawaan ayay geli doonnaan”. Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada DG HirShabeelle, Saciid Hagar Camalow







