Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo shaacisay natiijada Imtixaanka F12

Sawiro;-Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo shaacisay natiijada Imtixaanka F12

2
0

Sabti 15 Aug 2025 {CBB}Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay natiijada kasoo baxday Imtixaan sannadkeedka 2025/26 oo ay galeen 42,916 Arday iyaga oo guud ahaan gudbay 93%

Wasaaradda ayaa sheegtay in Imtixaanku ay ka baaqdeen Arday duruufo dhinaca Amniga ah uga haray balse dib looga qaadi doonno, halka natiijada maadooyinka qaar laga baabi’iyay Arday ku xadgudubtay xeerka Imtixaanka.

 

 

Ardayda sannadkaan baastay ama gudubtay waa 40,037 halka ay hartay ama dhacday 2,809 sida lagu xusay natiijada kasoo baxday Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya.

Dhanka kale, Wasiirka Waxbarashada, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in si degdeg ah Imtixaan looga qaadi doonno Ardaydii duruufaha uga haray ee diiwaankooda la hayo.

Waxa uu bogaadiyay Dadka Soomaaliyeed oo daboolay baahiyaha dhinaca dhaqaalaha ah ee sababi jirtay in dhaqaale loo raadiyo, waxaana uu wax lagu farxo ku tilmaamay in xitaa la xakameeyay in uusan baraha Bulshada tagin imtixaankaas kahor inta aan la gelin.

“Warqadaha imtaxaanka oo ka koobnaa dhowr malyan ma jirin Imtixaan la xaday oo ku faafay Baraha Bulshada, taasina waxa ay ku dhacday dedaalka la bixiyay” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta sare Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir

Waa uu sii hadlay waxaana uu bogaadiyay cid weliba oo kaalinteeda ka qaadatay sidii loo dabooli lahaa dhaqaalaha ku baxaya Imtixaanka qaadistiisa, diyaarintiisa iyo adeegyada kale ee aasaasiga u ah sida uu hadalka u dhigay Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

“Imtaxaanka dowladda waxaa ku baxday qarash dhan $1,268,619 waana canshuurta shacabka Soomaaliyeed. Ardayda Haysata NIRA uma baahna in ay xarunta Wasaaradda yimaadaan si ay u qaataan Shahaadada, hadda waxa ay ku heli karaan online meelkasta oo ay dalka ka joogaan” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay Ardayda Imtixaanka natiijadooda maanta heshay, waxaana kaalinta koowaad galay Arday wax ku bartay Gobolka Banaadir.

Hoos ka firi;-

Ardayda Kaalmaha 1 ilaa 10-aad ka galay imtixaanka shahaadiga ee qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here