Axad 16 Aug 2025 {CBB}Maxamed Saalax Cusmaan waa askari ka tirsan ciidanka xooga dalka qeybta 21-aad guutada Khaalid Bin-waliid isagoo kusugan furimaha hore ee dagaalka ayuu u fadhiistay imtixaanka dugsiyada sare ee dalka wuxuuna keenay natiijo aad u sareysa taasoo muujineysa heerka Nafhurnimadiisa iyo sida aysan ahdaaftu isu gubin ee ay isu kabaan.
Saalax wuxuu hada difaac kaga jiraa Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug wuxuuna Farxada Natiijada ku qaadanayaa aagaga difaaca shacabka reer Xarardheere oo ku nastay geesiyaasha uu ka mid yahay kuwaas oo sababay in As ay ku dhiiran la,yihiin dib ugu noqoshada degmadii ay mudada dheer ka ariminayeen Balse sanado ka hor laga Faramaroojiyay.
Saalax ayaa noo sheegay in uu casharada ku diyaarin jiray Difaaca isagoo imtixaankana galay isagoo tuutihiisa xiran,waxuuna tusaale u yahay in difaaca Qaranka iyo dadaalka waxbarashada la isku dhinac wedi karo isla markaana ay jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ay ka go’antahay inay dalkooda difaacaan iyagoo sidoo kalena aqoontooda dhisaya.
Hambalyo Saalax iyo dhammaan ardayda ku guuleysatay imtixaanka dowladda waxaan u rajeyneynaa mustaqbal wanaagsan iyo guulo kale oo waxbarasho.



