Home WARARKA MAANTA Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

1
0

Axad 16 Aug 2025 {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha September ee sanadkan, taas oo noqon doonta tallaabo weyn oo loo qaaday dib u soo celinta shirkaddii diyaaradaha qaranka.

Dowladda ayaan weli bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan duulimaadka ugu horreeya. Sidoo kale waxaa xooggan kalsooni darada maadaama dhowr mar ay fashilmeen sheegashada dowlada.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa muddo dheer sugayay in ay mar kale arkaan diyaarad sidata calanka Soomaaliya oo isaga kala gooshaysa dalalka caalamka. Dib u soo noqoshada Somali Airlines ayaa sidoo kale noqon karta horumar muhiim ah oo dhinaca duulista iyo isku xirka caalamiga ah ee Soomaaliya.

Suuqa duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa inuu sii ballaarto. Diyaarado ka socda Sacuudiga, Cumaan iyo Rwanda ayaa qorsheynaya inay ku soo biiraan shirkadaha caalamiga ah ee duullimaadyada ka sameeya Soomaaliya.

Shirkadda SalamAir ee Cumaan ayaa ku dhawaaqday inay 3-da September 2026 bilaabi doonto duulimaadyo toos ah oo u dhexeeya Muscat iyo Muqdisho, laba jeer toddobaadkii.

Qatar Airways ayaa horey uga mid noqotay shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya, iyadoo ay weheliyaan Turkish Airlines, Ethiopian Airlines, EgyptAir, Air Djibouti iyo shirkado kale. Turkish Airlines ayaa si gaar ah door muuqda uga ciyaartay isku xirka Soomaaliya iyo caalamka, iyadoo 16 sano ka hor dib u bilowday duulimaadyadeeda Muqdisho, xilli dalka uu weli ku jiray xaalad amni oo aad u adag iyo dagaallo socda.

Haddii qorshaha dib loogu soo celinayo Somali Airlines uu hirgalo, Soomaaliya waxay mar kale yeelan doontaa shirkad diyaaradeed oo qaran, taas oo diyaarad sidata calanka Soomaaliya dib ugu celinaysa hawada caalamka kadib sanado badan oo ay maqneyd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here