Axad 16 Aug 2025 {CBB}Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo la hadlay Teleefishinka Aljazeera ayaa sheegay in Dowladda Masar ay u furan yihiin Albaabada ku biirista Isbahaysiga ay samaysteen Dalkiisa, Sacuudiga iyo Pakistan ee dhinaca Difaaca la xiriira.
Erdogan ayaa sheegay in heshiiskaan uu yahay mid muhiim ah oo dunida fariin u diray, waxaana uu soo dhaweeyay haddii ay kusoo biirayso Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar oo kamid ah Dalalka awoodda muuqda ku dhex leh Bariga Dhexe.
Madaxweyne Erdogan waxa uu xusay in dalkiisa uu ka dhex muuqdo dalal badan oo Caalamka maadaama uu xubin ka yahay ururro kala duwan, waxaana uu rajeeyay in Dalalka Islaamka ay sidaas oo kale noqon doonnaan.







