Home WARARKA MAANTA DG Puntland oo war kasoo saartay Burcad Badeeda kusii korortay deegaannada maamulkaas

DG Puntland oo war kasoo saartay Burcad Badeeda kusii korortay deegaannada maamulkaas

2
0

Sabti 22 2026 {CBB}Maamulka Puntland ayaa war kasoo saaray afduubka Kooxaha Burcad Badeeda ay ka gaysteen deeggannada maamulkaas, waxa uu intaas ku daray in ay dabagal ku samaynayaan dadka ku lugta leh weerarradaas sida hadalka loo dhigay.

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa intaas ku dartay in ay gacan ka gaysanayso soo afjaridda kooxaha Burcad Badeeda ah, haddii ay ahayn lahayd gudaha deegaannada maamulkaas iyo dhinaca Xeebaha saldhigga u ah kooxahaas.

Muddooyinkii dambe waxaa sii kordhay weerarrada ay gaysanayaan Kooxaha Burcad Badeeda ee saldhigoodu yahay deegaannada Maamulka Puntland, waxaana laga digay halista ku hoos duuggan dib usoo noqoshada kooxahaan oo sanado kahor awood ku lahaa Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here