Baydhabo – 22 Agoosto 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo.
Hoggaamiyaha iyo wafdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo. Soo dhoweynta waxaa ka qeyb galay Guddoonka Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, wasiiro, xildhibaano, saraakiisha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baydhabo.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Mahad Maxamed Sheekh, ayaa Hoggaamiyaha siiyey warbixin guud oo ku saabsan xaaladda deegaannada Koonfur Galbeed. Waxa uu sheegay in xaaladda amni ay wanaagsan tahay, isagoo xusay in weerarkii ay dhawaan Khawaarijtu ku soo qaadeen magaalada Baydhabo lagu gaarsiiyey jab xooggan.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay dadaallada ay ciidamada qalabka sida iyo hay’adaha amniga Koonfur Galbeed ugu jiraan sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo ka hortagga falalka kooxaha Khawaarijta.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed soo dhoweynta diirran ee loogu sameeyey magaalada Baydhabo. Waxa uu sidoo kale ku bogaadiyey ciidamada qalabka sida iyo dhammaan hay’adaha amniga dadaallada ay ugu jiraan difaaca shacabka iyo ilaalinta xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu qalday safafka Khawaarijta inay ka soo laabtaan fikirka marin-habaabinta ah, isku soo dhiibaan dowladda, isla markaana ka qeyb qaataan dadaallada lagu dhisayo dowladnimada, nabadda iyo horumarka dalka.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa caddeeyey in Dowladda Koonfur Galbeed ay diyaar u tahay soo dhaweynta cid kasta oo ka soo laabata marin-habaabinta, isla markaana dooneysa inay qeyb ka noqoto nabadda, dowladnimada iyo horumarka dalka.
Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha ayaa shacabka magaalada Baydhabo ugu baaqay inaysan ku kadsoomin ama qaadan wararka iyo dacaayadaha lagu faafinayo baraha bulshada ee lagu cabsi gelinayo shacabka magaalada. Waxa uu xusay in shacabka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.







