Isiin 24 2026 {CBB}Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa sheegay in Dowladdiisa ay taagaarayso beeralayda gaar ahaan kuwa soosaara Gallayda iyo kuwa iibiya bacriminta si loo kordhiyo fursadaha iibsiga suuqyada Dalkaas sida uu hadalka u dhigay.
William Ruto ayaa tilmaamay in 50% laga jarayo qiimaha la iibsado Gallayda, waxaana uu intaas ku daray in Dowladdiisa ay garab istaag u muujinayso Beeraleyda si ay u helaan dhaqaalaha ay u baahan yihiin isla markaana dadkana u iibsadaan waxsoosaarkooda.
Qiima dhimistaan waxa ay billaabanaysa bisha soo socota ee September, waxaana howshaan loo xilsaaray guddi si gaar ah u saldhiga qorshahaas sida ay ku warrameen mas’uuliyiin katirsan Madaxtooyada Madaxweyne Ruto.
Tani waxa ay fursad u tahay dadka beeralayda ah iyo kuwa soo iibsada qalabka loo adeegsado Beeraha iyo dawooyinka lagu bacrimiyo, waxaana socda dedaallo Xukuumadda William Ruto ay xoogga ku saarayso waxsoosaarka Dhulka.







