Axad 23 2026 {CBB}Muqdisho – 23 Agoosto 2026: Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta xaflad sagootin ah u sameeyey saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar dhinaca tayeynta iyo horumarinta aqoonta ciidanka ah ugu ambabaxaya magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Saraakiishan ayaa noqonaya dufcaddii labaad ee muddo kooban gudahood tababar loogu diro dalka Masar, taas oo qayb ka ah qorshayaasha dib-u-habeynta iyo tayeynta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Tababarkan ayaa lagu tilmaamay mid sare loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha, si ay ugaalin uga qaataan horumarinta hannaanka shaqo ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo hirgelinta qorshayaasha dib-u-habeynta socda.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa saraakiisha kula dardaarmay inay si wanaagsan uga faa’iideystaan fursadda ay heleen, isla markaana aqoonta iyo khibradda ay kasoo kororsadaan tababarka ay dib ugu soo celiyaan dalkooda iyo ciidankooda.
Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii u dambeeyey waday dadaallo lagu tayeynayo ciidamada, kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha iyo sare loogu qaadayo hannaanka shaqo ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.







