Axad 30 Aug 2026 {CBB}Baydhabo, 30 Agoosto 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa magacaabistay laba mas’uul oo cusub, kuwaas oo kala ah Afhayeenka Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed iyo La-taliyaha Sare ee Hoggaamiyaha Dowladda ee Arrimaha Dib-u-dhiska.
Hoggaamiyuhu wuxuu Mudane Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Xaayow) u magacaabay Afhayeenka Koonfur Galbeed, halka Mudane Eng. Salah Shekh Osman uu u magacaabay La-taliye Sare ee Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ee Arrimaha Dib-u-dhiska.
Labada magacaabis ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed ee lagu xoojinayo hay’adaha dowladda, horumarinta howlaha maamulka iyo dardar-gelinta qorshayaasha dib-u-dhiska iyo horumarinta deegaannada Koonfur Galbeed.
Afhayeenka cusub ayaa qaabilsan gudbinta fariimaha rasmiga ah ee dowladda iyo xiriirka warbaahinta, halka La-taliyaha Sare ee Arrimaha Dib-u-dhiska uu ka shaqeyn doono talo-bixinta iyo horumarinta qorshayaasha la xiriira dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha deegaannada Koonfur Galbeed.
Dowladda Koonfur Galbeed ayaa labada mas’uul kula dardaarantay inay si hufan uga soo baxaan waajibaadka loo igmaday, ayna ka shaqeeyaan danta guud iyo horumarinta adeegyada bulshada.









