Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Hoggaamiyaha koonfur galbeed oo booqasho shaqo ku tagay xarunta wasaaradda warfaafinta

Sawiro;-Hoggaamiyaha koonfur galbeed oo booqasho shaqo ku tagay xarunta wasaaradda warfaafinta

1
0

Axad 30 Aug 2026 {CBB}Baydhabo, 30 Agoosto 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka

Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee Dowladda Koonfur Galbeed, oo dhawaan lagu sameeyey dib-u-casriyeyn iyo horumarin.

Hoggaamiyaha ayaa xarunta Wasaaradda waxaa ku soo dhoweeyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada, Mudane Nuur Siidow Baba, Wasiir-ku-xigeenka, Agaasimaha Guud iyo qaar ka mid ah howl-wadeennada Wasaaradda.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kormeer ku sameeyey qeybaha kala duwan ee Wasaaradda, isagoo u kuurgalay habsami-u-socodka shaqada iyo adeegyada ay Wasaaraddu u hayso bulshada, gaar ahaan howlaha warfaafinta, wacyigelinta bulshada iyo gudbinta xogaha rasmiga ah ee Dowladda.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa bogaadiyey dadaallada lagu horumarinayo xarunta Wasaaradda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha Dowladda loo sameeyo xarumo casri ah oo awood u siinaya inay si hufan uga jawaabaan baahiyaha bulshada.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sidoo kale ballanqaaday in Dowladda Koonfur Galbeed ay diyaar u tahay dhammaystirka wax kasta oo ka dhiman horumarinta iyo tayeynta Wasaaradda Warfaafinta.

Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha ayaa masuuliyiinta Wasaaradda, gaar ahaan Wasiirka Warfaafinta Mudane Nuur Siidow Baba, ku adkeeyey in la sii xoojiyo tayeynta shaqada warfaafinta, adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah iyo wacyigelinta bulshada, si shacabka loo gaarsiiyo xog sugan, degdeg ah oo la isku halayn karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here