Isnin 18, Nov 2024 {CBB}Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeyo Gaas Odawaa Yuusuf Raage oo maanta xilka kala wareegaya Taliyihii hore ee Ciidankaas Janaraal Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa ka hadlay waxyaabaha ugu waa weyn ee diiradda u saaran.
Meelaha uu taabtay in uu muhiimad gaar ah siin doonno waxaa kamid ah: Daryeelka Ciidanka Xoogga, la dagaalka ‘AS, Goobaha Caafimaadka ee Ciidanka Xoogga, kordhinta awoodda Ciidanka Daraawiishta Dowlad-Goboleedyada & Kuwa Deegaanka iyo qodobo kale.
Waxa uu ciidanka Xoogga Dalka ku bogaadiyay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ maadaama naftooda ay u hureen Ciidamada iskaashanaya, natiijada laga gaaray ayuu tilmaamay in ay muuqato sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaa qayb muhiim inoo noqon doonta daryeelka Ciidanka si loo daboolo baahiyaha Caafimaad, waxa aan horumar ku sameyn doonnaa takhasusaadka Ciidanka Xoogga sida Sahanka & Isgaarsiinta haddii alle idmo, Madaxdeenna qaranka inaga oo kaashaneyna ayaa xoogga saari doonnaa goobaha Caafimaadka ee lagu daryeello Ciidanka Xoogga ee Dagaalka ku jira, Agoonta daryeelkooda ayaa xoogga saari doonnaa” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage.
Ciidanka ku naafoobay dagaallada ayuu sheegay in ay u sameyn doonnaan xarumo lagu daryeello, Xoogga ciidamada ayuu shaaciyay in la isugu geyn doonno la dagaalanka waxa loogu yeero ‘Argagixisada’ iyo Cid weliba oo kusoo xadgudubta.