Axad 17, Nov 2024 {CBB}Guddiga loo xilsaaray Doorashooyinka Dowlad-Goboleedka Jubbaland oo soosaaray jadwalka habraaca soo xulista Xubnaha Golaha Wakiillada, Guddoonkooda iyo Madaxweynaha ayaa maanta xareynaya Odoyaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaannada Golahaas.
Sida ku xusan jadwalka, maanta oo ah 17ka Nofeembar waxaa wacyigelin loo sameynayaa Duubabka dhaqanka kaddib waxa ay soo gudbinayaan Xildhibaannada metalaya si loo xareeyo loona dhaariyo sida qorshaha uu yahay.
Isniinta iyo Talaadada oo kala ah 18/19ka Nofeembar waxa uu Guddiga shaacin doonnaa Xildhibaananda kusoo baxay liiska xulista Madaxda dhaqanka ah ee u diiwaangashan Dowlad-Goboleedka Jubbaland si ay isaga dhex doortaan qofka ugu da’da weyn.
Guddiga maamulaya Doorashooyinka Dadban ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in 25ka Bishaan lasoo gabagabeyn doonno Doorashada lana soo dooran doonno Madaxweynaha Dowlad-Goboleedkaas.
Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa dhegaha ka fureysatay dalabaadka diidmada ah ee ka imaanaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si cad uga hor timid doorasho Dadban oo ka dhacda Deegaannada Dowlad-Goboleedkaas.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ayaa diidmadeeda ku sababeysay doorashadaan ay ka hor imaaneyso heshiiskii Axmed Madoobe uu ku aqbalay in Dalka ay ka dhacdo Doorasho Dadweyne si looga gudbo doorashooyinka Dadban ee muddo lagu soo doortay Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah.