Isniin 31 Aug 2026 {CBB}Dalalka Isbahaysiga Difaaca Makka ku midoobay ee kala ah Turkiga, Sacuudi Carabiya iyo Pakistan ayaa maanta kulan ku leh Magaalada Istanbul sida ay xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga oo kulankaan si hordhac ah war uga soosaartay.
Kulanka waxaa ka qaybgalaya Wasiirrada Gaashaandhigga, Taliyeyaasha Guud ee Ciidamada iyo Khubarro ciidan iyada oo fadhiga lagu dejinayo istaraatiijiyadda lagu xoojinayo Isbahaysiga Makka ee ay ku bahoobeen saddexdaas Dal.
Waxaa kulanka loogu magac daray Guddiga Istiraatiijiga ah ee Siyaasadda iyo Difaaca oo ujeedkiisu yahay in qorshaha xubnahaas ay dejiyaan in la tuba-raacayo maadaama la doonayo in heshiiska loo baddelo mid wax ku ool ah.
Turkiga waxa uu xubin buuxda ka yahay Isbahaysiga NATO isaga oo saldhig siiyay, waxa uu leeyahay ciidanka 2aad ee ugu weyn ee Isbahaysigaas, Pakistan waa dal haysta hubka laga cabsado ee halista badan ee Nukliyer, halka Sacuudiga uu dhaqaale badan haysto.
Dadka falanqeeya Siyaasadda waxa ay u arkaan isku xirnaanta saddexdaas ay muujinayso awood ka dhisan dhinacyada Ciidanka, Dhaqaalaha iyo farsamooyinka maadaama Ankara iyo Islamabad ay soo saartaan hubka & gaadiidka ciidankooda.
Waa suuragal in Masar ay ku biirto isbahaysigaan sida uu dhowaan xusay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo Waraysi gaar ah siiyay Teleefishinka Aljazeera, haddii Qaahira ay ku biirto waxa ay la shirtagi doonto awooddeeda ciidanka.







