Home WARARKA MAANTA MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qaybgalaya Shir ka dhacaya Serbia

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qaybgalaya Shir ka dhacaya Serbia

2
0

Tuesday, September 1, 2026 {CBB}Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalaya shir ka dhacaya Magaalada Belgrade ee Caasimadda Serbia kaas oo lagu maamuusayo 65 sano guurada kasoo wareegtay shirkii ugu horreeyay ee dhaqdhaqaaqa Dalalka aan Isbahaysiga ahayn.

Shirkaan waxaa furaya oo khudbadda ugu horreeya jeedinaya Madaxweynaha Serbia, Aleksandar Vučić kaddib waxaa hadallo la siinaya Madaxda Martida ah sida lagu sheegay bayaan hordhac ah oo kasoo baxay Xukuumadda Belgrade.

Inta uu shirka socda ee lagu guda jiro waqtiyada nasashada waxaa kulamo is arag kooban yeellan doonna madaxda martigelisay shirkaas iyo kuwa martida ah oo uu kamid yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here