Isnin 18, Nov 2024 {CBB}Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe uga digay in uu adeegsado Awood ciidan isaga oo doonaya in uu qabto doorasho dadban.
Xamsa ayaa tilmaamay in sharciyadda muddada uu qofka isku soo sharrixi karo xilka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland in uu ka dhammaaday Axmed Madoobe sidaas awgeed aanay u furnayn door markale uu ku tartamo.
Waxa uu ka digay in ciidamada la burburiyo iyada oo dano gaar ah loo adeegsanayo, waxa uu saraakiisha ugu baaqay in ay ka fogaadaan wax weliba oo sharciga kahor imaanaya si aanay dhibaato ama dib u dhac kale Dalka ku imaan.
“Axmed Madoobe ma uu haysto sharciyad uu ku maamulo Jubbaland waxaana uga digayaa inuu adeegsado awood Ciidan, Madaxda Jubbaland waxay saxiixeen dhammaan heshiisyada Dalka loogu jihaynayo doorashada qof iyo Codka ah” Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar isaga baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ku dhawaaqay in uu Maamulkiisa qabsanayo Doorasho Dadban, waxaana guddiga uu magacaabay uu shaaciyay habraaca Doorashadaas.