Sabtii , September 5, 2026 {CBB}Baydhabo: Isbitaallada magaalada Baydhabo ayaa lagu daweynayaa dad ku dhaawacmay dagaalladii ugu dambeeyay ee magaalada ku dhexmaray ciidamada dowladda federaalka oo garab siinaya ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad taabacsan Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Maamulka Isbitaalka Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in tan iyo Khamiistii ay qaabileen 71 qof oo qaba dhaawacyo kala duwan oo ka dhashay dagaallada.
Maamulka isbitaalka ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay ku jiraan 15 haween ah iyo 12 carruur ah, halka hal qof uu u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.
Qaar ka mid ah ehellada dadka dhaawacmay ayaa sheegay in bukaannada qaarkood ay u baahan yihiin daryeel caafimaad oo ka baxsan magaalada Baydhabo, gaar ahaan Muqdisho, maadaama dhaawacyadoodu yihiin kuwo culus oo u baahan adeegyo caafimaad oo takhasus ah.
Dhanka kale, ilo kala duwan oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in isbitaalka laga saaray qaar ka mid ah dadka qaba dhaawacyada fudud, kaddib markii la siiyay daaweyn, iyadoo ay dib ugu laabteen guryahooda.
Dagaallada kusoo noqnoqday magaalada Baydhabo ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo cabsi soo wajahday shacabka, iyadoo dadka rayidka ah ay yihiin kuwa ugu badan ee ay saameeyeen colaadaha.
Isbitaalka guud ee magaalada Baydhabo ayaa weli qaabilaya dad dhaawacyo kala duwan soo gaaray, kuwaas oo qaar ka mid ah ay u baahan yihiin daryeel caafimaad oo dheeraad ah.







