Home WARARKA MAANTA Howlgallo Amni oo Ka Socda Magaalada Baydhabo iyo Eedeysanayaal Mindiyo Ku...

Howlgallo Amni oo Ka Socda Magaalada Baydhabo iyo Eedeysanayaal Mindiyo Ku Hubeysnaa oo La Qabtay

7
0

Axad , 6, Sept 2026 {CBB}Baydhabo: Ciidamada ammaanka ayaa kordhiyay howlgalada lagu xaqiijinayo amniga gudaha magaalada Baydhabo, xilli magaalada ay ka jirto xaalad amni oo walaac laga muujinayo, iyadoo ciidamada ay sare u qaadeen feejignaanta ku aaddan weerarro iyo falal amni-darro oo ka dhici kara gudaha magaalada.

Howlgallada ay ciidamada ka wadaan xaafadaha magaalada ayaa lagu soo qabtay eedeysanayaal ku hubeysnaa mindiyo, kuwaas oo Booliska Baydhabo ay gacanta ku dhigeen xilli lagu eedeeyay inay ku howlanaayeen falal ka dhan ah amniga iyo nabadgelyada bulshada.

Booliska ayaa sheegay in dadka la qabtay lagu hayo Saldhigga Degmada Baydhabo, halkaas oo lagu marsiinayo baaritaanno iyo habraacyada sharciga waafaqsan.

Dhanka kale, maamulka Dowladda Koonfur Galbeed ayaa shacabka Baydhabo ugu baaqay inay laamaha ammaanka la wadaagaan xog kasta oo la xiriirta shaqsiyaad ama kooxo looga shakisan yahay inay khatar ku yihiin amniga magaalada.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed ayaa si gaar ah shacabka ugu baaqay inay soo sheegaan kooxaha ama dadka wajiyada duubta ee lagu arko gudaha magaalada.

“Qolada Al-Shabaab ee inta ay afka duubtaan guryaha shacabka ku garaacaya, haddii aad aragtaan soo sheega,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed.

Baaqan ayaa kusoo beegmaya xilli Baydhabo ay ka jirto xiisad amni iyo mid siyaasadeed, kaddib dagaallo magaalada ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan dhinacyada isku haya magaalada.

Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida magaalada, iyagoo shacabka ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, isla markaana soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta falal looga shakisan yahay inay wax u dhimi karaan amniga iyo nabadgelyada bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here