Home WARARKA MAANTA Sawiro;;-(Bardaale) Shir Looga Hadlay Xaaladda Bani’aadannimo iyo Baahiyaha Bulshada

Sawiro;;-(Bardaale) Shir Looga Hadlay Xaaladda Bani’aadannimo iyo Baahiyaha Bulshada

11
0

Axad , 6, Sept 2026 {CBB} Bardaale, Gobolka Bay: Guddoomiyaha Degmada Bardaale ee Gobolka Bay, Mudane Maxamed Isaaq Xasan Arcase, ayaa maanta guddoomiyey shir looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta degmada iyo deegaannada hoos yimaada.

Shirka waxaa ka qeyb galay hay’adaha samafalka ee ka howlgala Degmada Bardaale iyo guddoomiyeyaasha xaafadaha degmada, waxaana diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadannimo, baahiyaha bulshada iyo sidii loo xoojin lahaa gurmadka iyo taageerada loo fidinayo dadka dhibaateysan.

Guddoomiyaha ayaa dhageystay warbixinno laga bixiyey xaaladda bulshada iyo baahiyaha ka jira deegaannada degmada, isagoo hay’adaha samafalka ku boorriyey inay sii laba-jibaaraan dadaallada ay ugu adeegayaan bulshada, gaar ahaan dadka u baahan gurmadka iyo taageerada bani’aadannimo.

Mas’uuliyiinta maamulka xaafadaha ayaa sidoo kale shirka ku soo bandhigay xaaladda bulshada iyo caqabadaha ka jira deegaanadooda, iyadoo la isla eegay sidii loo heli lahaa xalal wax ku ool ah oo wax looga qaban karo baahiyaha jira.

Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeennada Degmada Bardaale, Lataliyaha Sare ee Maamulka Degmada Bardaale iyo Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Degmada Bardaale ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashi xooggan oo dhex mara maamulka degmada, hay’adaha samafalka iyo bulshada, si wax looga qabto baahiyaha bani’aadannimo ee ka jira Bardaale iyo deegaannada hoos yimaada

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here