Axad , 6, Sept 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan Dalka Maraykanka si uu uga qaybgalo fadhiga guud ee Qaramada Midoobay iyada oo Dalkaas uu haatan ku sugan yahay Hoggaamiyaha Maamulka Waqooyi Galbeed, Cabdiraxmaan Cirro.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shirka guud ee Qaramada Midoobay uga xog-warrami doonna Xaaladda Dalka isaga oo soo bandhigi doonna in Soomaaliya laga gacansiiyo xoojinta Amniga, La dagaalanka AS, Arrimaha Bani aadamnimada & in Dalka la maalgashado.
Soomaaliya waxa ay hadda kamid tahay 15ka Dal ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyada oo muddo xileedkaas uu ka idlaan doonno marka la gaaro 31ka December sannadkaan 2026
Shirka guud ee Qaramada Midoobay ayaa furmaya 8da Bishaan oo ku beegan Talaadada waxaana ka qaybgalaya wakiilllo kala metalaya Dalalka xubnaha ka ah Golahaas, halka 22 bishaan ay si toos ah u billaabanayaan doodaha iyada oo ugu dambayn 28 lasoo xiri doonno.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah iyo kuwo guud la qaadan doonno mas’uuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin hoggaanka sare ee Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo Dalalka xubnaha ka ah Golahaas.







