Home WARARKA MAANTA Shidaalka Maraakiibta lagu shubo oo sii yaraanaya

Shidaalka Maraakiibta lagu shubo oo sii yaraanaya

6
0

Isniin, 7, Sept 2026 {CBB}Digniin culus ayaa laga diray halista ka dhallan karta yaraanta ku socota shidaalka Maraakiibta lagu shubo ee Bunker Fuel la dhaho ee laga helo dalalka sifeeyo shidaalka kaddib markii colaadda Bariga Dhexe ay saamayn taban ku reebtay isu gudubka shidaalkaas.

Warshadaha Sifeeya Batroolka ayaa xoogga saaray sifaynta shidaalka lagu shubo Diyaaradahaiyo iyo Naftada maadaama isu gudubka shidaalkii kale ee Badda uu ka joogsaday Marinka Hormuz oo 20% halkaas ka gudbi jiray bilaa shuruud kahor dagaallada taagan.

Xarunta Shidaalka Maraakiibta ee Singapore oo ah xarunta ugu weyn Dunida ee ugu qiimaha jaban ayaa hadda korortay 76%  tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhaxeeya Iiraan oo ay kasoo horjeedaan Maraykanka iyo Israa’iil.

Sidee ayay arrintaan u saamayn kartaa Dalal ay kamid tahay Soomaaliya?

Khubarrada Ganacsiga waxa ay sheegeen in dhibaatada ka dhallan karta yaraanta Shidaalka Maraakiibta ay gaari karto Dalal ugu badan ee ku tiirsan waxyaabaha dibadda laga soo dhoofiyo oo Soomaaliya ay kamid tahay maadaama qiimaha uu kordhayo.

Colaadaha kusii kordhaya adduunka waxa ay sababeen sicir barar, kalsooni darro Siyaasadeed, culays dhaqaale iyo in dad badan ay la dhibtoodaan kasoo kabashada xaaladahaas aan mahadhooyinka ku reebin sida hadalka loo dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here