Isniin, 7, Sept 2026 {CBB}Baydhabo: Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Issack Mohamed Issack (Korsaar), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Amniga, Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta ee Golaha Wakiillada Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga deegaannada Koonfur Galbeed, qorshayaasha lagu xoojinayo amniga iyo sidii loo sii adkeyn lahaa la dagaallanka kooxaha khatarta ku ah nabadgelyada iyo xasilloonida bulshada.
Wasiirka iyo Guddiga ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta awoodda iyo tayada ciidamada amniga, iyadoo si gaar ah loo dul istaagay baahiyaha iyo caqabadaha ciidamada, daryeelkooda, iyo sidii loo heli lahaa agab iyo taageero ku filan oo ay si hufan ugu gutaan waajibaadkooda.
Intii uu socday kulanka ayaa sidoo kale xoogga lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga, Golaha Wakiillada iyo bulshada, si loo helo iskaashi mideysan oo horseeda amni waara, xasillooni iyo nabadgelyo loo dhan yahay.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amniga iyo Golaha Wakiillada ay yeeshaan wada-shaqeyn dhow iyo isku-duwid joogto ah, taas oo gacan ka geysan karta horumarinta amniga iyo ilaalinta shacabka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.







