Sabtii 23, Nov 2024 {CBB}Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in laga gudbi doonno siyaasadda kala geysay Koofurta iyo Waqooyiga, qorshaha looga gudbi karo ayuu ku sifeeyay in uu yahay wadahadalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ka gungaarista wadahadallada si loo gaaro meelo ka dhow meesha uu taagan yahay Maamulka Somaliland.
Waxa uu bogaadiyay Doorashadii dhowaan ka dhacday Deegaannada Maamulka Somaliland, waxaana uu ku tilmaamay in ay tahay arrin ku dayasho mudan oo Dalka oo dhan ka dhici karta sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Rajo ayuu ka muujiyay in guud ahaan Dalka ka dhacdo Doorasho qof iyo cod ah isla markaana laga gudbo tan dadban oo muddo dhowr iyo labaatan sano lagu soo dooranayay hay’adaha iyo madaxd kala duwan ee Dowladda.