Home WARARKA MAANTA Baarlamaanka JFS oo u codeeyay xeerka Doorashooyinka Qaranka

Baarlamaanka JFS oo u codeeyay xeerka Doorashooyinka Qaranka

11
0

Sabtii 23, Nov 2024 {CBB}Labada Aqal ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka, waxaa u codeeyay ansixinta xeerkaan 169 mudane sida uu sheegay shirguddoonka kulanka.

Mudaneyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa dood iyo dhageysi ku sameeyay xeerkaan waxaana ugu dambeyn maanta uu noqday mid ansax ah kaddib markii ay u codeeyeen xeerkaan muhiimka ah u doorashooyinka dadka.

Baarlamaanka oo la horgeeyay xeerarka muhiimka u ah Doorashooyinka Dadweyne, Xisbiyada iyo nidaamka u gaarka ah waxa ay mudaneyaashu ansixiyeen inta badan xeerarkaas oo haatan sugaya in loo gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadday tallaabooyin muhiim u ah Doorashooyinka Qof iyo codka ah ee rajada weyn ka muujineyso in ay dalka ka qabato, Laamaha fulinta iyo xeer dejinta ayaa la horgeeyay xeerarkaas muhiimka u ah Doorashada.

Baarlamaanka ayaa bil ka dheeraad ah waqtigooda shaqada shaqeynaya kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka codsaday in bishaas u hibeeyaan ka shaqeynta xeerarka udub dhexaadka u ah Doorashooyinka Qof iyo codka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here