Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Hoggaamiyaha Koonfur galbeed oo Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada

Sawiro;-Hoggaamiyaha Koonfur galbeed oo Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada

7
0

Khamis, 10, Sept 2026 {CBB}Baydhabo – 10 Sebteembar 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka  Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta guddoomiyey shirka Golaha Wasiirada  Koonfur Galbeed, kaas oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada magaalada Baydhabo.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira xaaladda guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan xoojinta amniga iyo nabadgelyada, xaaladda siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada bulshada ku tiirsan wax-soo-saarka beeraha iyo xoolaha.

Golaha Wasiirada ayaa si gaar ah diiradda u saaray xoojinta amniga iyo nabadgelyada deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo la isla eegay qorshayaasha iyo dadaallada lagu dardargelinayo sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo xasilloonida guud.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyey sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo taageerada dadka ku tiirsan beeraha iyo xoolaha, kuwaas oo laf-dhabar u ah nolosha iyo dhaqaalaha bulshada Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Golaha Wasiirada ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo howlaha dowladda, lana xoojiyo siyaasadaha iyo qorshayaasha wax looga qabanayo baahiyaha bulshada.

Hoggaamiyuhu wuxuu sidoo kale faray Golaha Wasiirada in xoogga la saaro horumarinta adeegyada muhiimka ah, xoojinta amniga iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee lagu horumarinayo deegaannada Koonfur Galbeed.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso shaqada hay’adaha dowladda, sugidda amniga iyo horumarinta adeegyada iyo dhaqaalaha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here