Sabtii 12, Sab 2026 {CBB}Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo amni oo xogtaan u gudbiyay Warbaahinta inkasta oo aysan bixin macluumaad intaas ka dheer sida hadalka loo dhigay.
Markabka ka baxay gacanta Burcad Badeedda waxa ay kooxahaas afduubteen Bishii April ee Sannadkaan waxaana la socday 17 Rag ah sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka AFP oo xogtaan si kooban u faafisay.
Saraakiil Amni ayaa sheegay in Markabkaan ay sii daayeen Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida uu muddo u ahaa saldhig ay kusoo dul qabteen Maraakiib kale ee weli qaarkood gacanta ugu jira kooxahaas burcadda ah.
Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha IMO ayaa sheegtay in sannadkaan lagu jiro bisha 9aad ay kooxaha Burcad Badeedda gaysteen ilaa 15 weerar oo qaarkood u suuragashay in ay kusoo qabsadaan Maraakiib halka kuwo kale ay ka fashilmeen.
Lama caddayn in kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ah ay qaateen lacag madax-furasho ah iyo in ay si iskeed ah isaga daayeen kooxahaas maadaama ay horay u dalbadeen lacago ay kusii daynayaan Markabka iyo shaqaalaha la socda.







