Axad 13, Sab 2026 {CBB}–Baydhabo: Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed, Sareeye Guud Cabdi Ibraahim Shamow, ayaa guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Saraakiisha Ciidanka Booliska Dowladda Koonfur Galbeed.
Shirka ayaa si gaar ah looga hadlay xoojinta amniga iyo adkaynta nabadgelyada Magaalada Baydhabo, iyadoo saraakiishu ay qiimeyn ku sameeyeen xaaladda amni ee magaalada iyo howlaha ay Ciidanka Boolisku ka wadaan sugidda amniga, kala dambeynta iyo badqabka shacabka.
Taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed ayaa saraakiisha faray in la sii xoojiyo feejignaanta iyo wada-shaqeynta ciidamada, si loo xaqiijiyo amniga shacabka, loogana hortago fal kasta oo wax u dhimaya nabadgelyada iyo xasilloonida Magaalada Baydhabo.
Sidoo kale, shirka ayaa lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Ciidanka Boolisku si hufan, masuuliyad iyo anshax leh u gutaan waajibaadkooda shaqo, isla markaana ay sii xoojiyaan xiriirka iyo wada-shaqeynta kala dhaxaysa bulshada.
Taliyaha ayaa sheegay in sugidda amniga iyo badqabka shacabka ay tahay mudnaanta koowaad ee Ciidanka Booliska, isagoo saraakiisha ugu baaqay in ay sii dardargeliyaan howlaha amni iyo sugidda kala dambeynta ee Magaalada Baydhabo.








