Axad 8 Nov 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarrig jaraya Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jowhar ee lagu magacaabo Maxamed Dheere Airport oo dib u dhis uu ku sameeyay Maamulka HirShabeelle.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale inta uu ku sugan yahay Magaalada Jowhar waxa uu ka qaybgalayaa Caleemosaarka Hoggaamiyaha iyo ky xigeenka Dowlad Goboleedka HirShabeelle isaga oo ka jeedin doonna khudbad.
Hoggaamiyaha dib loo doortay ee Maamulka HirShabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa dib u dhis ku sameeyay qaar kamid ah goobaha Danta guud ah isaga oo ballanqaaday dhismaha goobo kale oo muhiim ah.







