Axad 8 Nov 2026 {CBB}Jowhar: Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Aadan Maxamed Nuur, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Hoggaamiye Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar si diirran ugu soo dhaweeyay Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed iyo wafdigiisa.
Safarka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa la xiriira ka qeybgalka munaasabadda caleema-saarka hoggaanka Dowladda Hirshabeelle.
Hoggaamiye Cali Guudlaawe ayaa uga mahadceliyay Aadan Maxamed Nuur booqashadiisa iyo sida uu uga soo qeybgalayo munaasabadda ka dhaceysa caasimadda Hirshabeelle ee Jowhar.




