Sabtii 7 Nov 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda dhaarinta Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan.
Madaxweynaha ayaa Guddoomiyaha cusub kula dardaarmay inuu waajibaadkiisa dastuuriga ah u guto si hufan, daacadnimo iyo xilkasnimo leh, isagoo u soo jeediyay inuu ilaaliyo madax-bannaanida garsoorka, dhowrista sharciga iyo xaqiijinta caddaalad loo siman yahay.
Munaasabadda dhaarinta waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka.







