Sabtii 7 Nov 2026 {CBB}Hoggaamiye ku xigeenka Maamulka HirShabeelle, Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa sheegay in Dowladda Federaalka iyo Maamulkiisa ay u taagan yihiin dhagaysiga & Xalinta tabashada ay qabaan reer Hiiraan ee salkeedu tahay awood qaybsiga Maamulkaasi.
Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa beeniyay in duullaan lagu yahay Magaalada uu joogo ee Baladweyne oo laga cabsi qabo in ay isku farasaaraan ciidamada la safan iyo kuwa kasoo horjeeda oo ay gadaal ka taagan yihiin siyaasiyiinta ka aragtida duwan.
Afrax ayaa hadalkii kasoo baxay Ugaaakiisa ku sifeeyay mid ku socda duullaan bannaanka uga yimaado balse uusan jirin duullaankaas, waxa uu Xubnaha ka aragtida duwan hordhigay in ay ku qanciyaan diidmadooda HirShabeelle ama uu dhankiisa ku qanciyo difaaca Maamulkaas.
“Baladweyne waxa aan u imid in aan Tolkeyga qanciyo ama i qanciyo, Dowladda Federaalka iyo HirShabeelle duullaan kuma ahan” Sidaasi waxaa yiri Hoggaamiye ku xigeenka HirShabeelle, Cabdifitaax Xasan Afrax.
Xiisadda u dhaxaysa Siyaasiyiinta diidan Maamulka HirShabeelle iyo kuwa taageersan ayaa ka taagan Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaa socda kulamo uu dhinac weliba ku doonayo in uu sare ugu qaado hirgelinta damaciisa iyada laga cabsi qabo dagaal toos ah maadaama Ciidanka hubaysan ay ku loolamayaan meelaha muhiimka ah.







