Sabtii 7 Nov 2026 {CBB}Dowladda Ingiriiska ayaa Muwaadiniinteeda uga digtay in ay tagaan deegaannada dhaca Xadka Soomaaliya iyo Kenya si aysan khatar ugala kulmin rabshadaha halkaas ka jira iyo AS oo beegsan karta Dadkaas sida warka loo dhigay.
UK ayaa muwaadiniinteeda ku wargelisay in ay la socdaan fariimaha ay dirayso Saafaradda Ingiriiska ee Kenya oo marweliba la wadaagaysa xaaladaha halista ee taagan kuwoos oo waxyeello kasoo gaari karto sida bayaankaan lagu xusay.
Britain ayaa halis aan la daawan karin ku tilmaamtay rabshadaha ka dhacay Mooyaale iyo Gaarisa kuwaas oo galaaftay nolosha dad u badan Shacab sidaas awgeed loo diray fariintaan waa sida warbixinta lagu sheegay.
Safaaradaha Ingiriiska ee ku yaalla Dalalka rabshadaha ay ka dhacaan & kuwa u dhow waxa ay marweliba uga digtay dhibaatooyinka kasoo gaari kara si ay muwaadiniinta dhalashada dalkaas haysta uga fogaadaan halista soo gaari karta.







