Axad 13, Sab 2026 {CBB}–Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa 24 saac gudahood ku qaabishay Qaxooti u dhashay Yemen oo tiradoodu gaarayso 1,400 oo qof kuwaas oo kasoo cararay colaadda ka jirta dalkooda sida ay ku warrameen mas’uuliyiin katirsan Dalkaas.
Dadkaan ayaa isugu jiray Rag iyo Dumar waxaana ay u badnaayeen Carruur & Dhallinyaro kuwaas oo doon kasoo raacay Dalkaana kuna tagay xeebaha Jamhuuriyadda Jabuuti halkaas oo lagu qaabilay looguna sameeyay dib u dejin.
Doomaha ay la socdeen Dadkaan ayaa ku xirtay Magaalo Xeebeedka Obock waxaana la filayaa in qaxooti kale oo ku soo socda badda u dhaxeysa Yemen iyo Jabuuti in ay gaaraan xeebaha Dalkaas sida ay sheegtay Safiya Ibraahim oo ah isu duwanaha Hay’adda IOM.
Qaramada Midoobay ayaa Warbixin ay soosaartay waxa ay ku sheegtay in tan iyo bishii July ee sannadkaan ay dagaallada Yemen ku barakaceen dad gaaraya 76,000 oo qof oo qaarkood u tallaabay Dalal ay Soomaaliya kamid tahay.
Dagaallada dhexmaray dhinaca uu Sacuudiga Taageerayay iyo Kooxda Xuutiga ah oo ugu dambayn dhul baaxad weyn lagu kala adkaaday waxaa ka barakacay Dadkii halkaas degenaa oo naftooda ula cararay si ay uga badbaadsadaan duqaymaha lagu beegsan karo Xuutiyiinta.







