Taliyaha taliskaas Gaashaanle Fikadu Jifar Siyum ayaa sheegay in ciidamada ka shaqeeya hubinta Dadka, Gaadiidka iyo Boorsooyinka ee Garoonka Diyaaradaha Shaati gaduud ay la kulmaan dad diida in ay baaraan oo isugu jira Shacab iyo mas’uuliyiin.
Siyum ayaa intaas ku daray in ciidamada ammaanka oo leh waaya aragnimo ku filan ay dadkaas ku qanciyaan in ay maraan hannaankaas hubinta ah una hoggaansamaan awaamiirta ciidanka xiligaas shaqada ku jira sida uu hadalka u dhigay.
“Shacab & Mas’uuliyiin ayaa diida xeerarka hubinta Amniga oo waajib ah in qof weliba uu maro waana caqabad aan la kulannay”. Sidaasi waxaa yiri Taliyaha qaybta 3aad ee howlgalka AUSSOM, Gaashaanle Fikadu Jifar Siyum
Dhinaca kale waxa uu sheegay in ciidanka Midowga Afirka ay kaalintooda ka qaataan sugidda amniga Magaalada Baydhabo iyaga oo la shaqeeya Ciidamada Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Koofur Galbeed, waxaana uu uga mahadceliyay la shaqayntooda.