Khamis 17, Sab 2026 {CBB}–Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay saacadihii la soo dhaafay Militeriga Soomaaliya gaar ahaan Ciidamada Danab ka fuliyeen deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Militeriga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidamada ay wadada isku xirta gobollada Baay iyo Shabeellada Hoose ay ka saareen Miinooyin ay ku aaseen AS.
Sidoo kale, Ciidamada ayaa howlgalka ku qabtay xubno ka tirsan AS oo la sheegay in la qabtay intii uu socday howlgalkan.
Ugu dambeyn, Ciidamada ayaa xaqiijiyay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah AS ee ay ka wadaan wadada xiriira gobollada Shabeellada Hoose iyo Baay.
Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada Xoogga ayaa xoojiyay howlgallo ka dhan ah AS ee ka socda gobollada Dowlad gobolleedka Koofur Galbeed.






