
Khamis 17, Sab 2026 {CBB}–Dowladda Maraykanka ayaa diiday in Madaxweynaha Falastiin, Mahmoud Abbas, la siiyo fiisaha gelitaanka dalkaasi, si uu uga qaybgalo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacaya magaalada New York toddobaadka soo socda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Dowladda Falastiin iyo Ururka Xorreynta Falastiin ku tilmaamtay in ay ku guuldarreysteen ilaalinta heshiisyadii hore loo gaarey, isla markaasna aysan suuragal aheyn in ay helaan Fiisaha dalkaasi.
Sidoo kale, Mareykanka ayaa sheegaya in Madaxweyne Maxamuud Cabbaas ku dadaalayo in si gaar ah loo aqoonsado xukumadiisa, isagoo aan raaceyn xalka laba dowladood.
Dowladda Maraykanka ayaa ku eedeynaysa Xukumadda Falastiin in ay weli sii wadaan taageerada dhaqaale ee ay siinayaan Kooxaha ay u yaqaanaan Argagixisada.
Go’aankan Fiisaha loogu diiday Madaxweynaha Falastiin ayaa ku soo aadaya xilli qaddiyada dalkaasi Falastiin ay ka mid tahay qoddobada looga hadlayo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee sannadlaha ah.




