Home WARARKA MAANTA Sawiro:-Qaar kamid ah wariyaasha Magaalada Baydhabo oo Maanta loo furey tababar ku...

Sawiro:-Qaar kamid ah wariyaasha Magaalada Baydhabo oo Maanta loo furey tababar ku saabsan ka waramidda arimaga Degeenka.

13
0

Arbaco 27, Nov 2024 {CBB}Tababarka waxa ka faa’iideysanaya Wariyeyaal iyo ururada u ololeeya deegaanka waxaana lagu baranayaa sidii Wariyeyaashu u tebin lahaayeen wararka isbedelka cimilada, deegaanka iyo masiibooinka dabiiciga ah.

Wasiirka Wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada ee dowladda koonfur galbeed Diini Abdinur Maxamed oo furay tababarka ayaa ka qeyb galeyaasha warbixin kooban ka siiyay shirkii dhawaan ka dhacay dalka Azerbaijan ee looga hadlayay arrimaha deegaanka iyo isbedelka cimilada, waxa uuna xusay in dowladaha iyo ururada caalamiga ah ay u taagan yihiin sidii ay door uga qaadan lahaayeen dadaalka bulshada looga wacyigelinaayo sidii looga hortagi lahaa arrimaha deegaanka dhibaatada ku ah isaga oo u mahadceliyay FESOJ oo fulineysa tababarka.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cumar Mustafe Nuur ayaa tilmaamay in Saxafiyiinta Koonfur Galbeed ay baahi weyn u qabaan tababarada noocaan oo kale ah ee diiradda saaraya ka warbixinta deegaanka iyo isbedelka cimilada.

 

Abshir Cali Xasan Agaasimaha Caafimaadka Degmada Baydhabo ayaa isna bogaadiyay in Saxafiyiinta lagu tababaro ka warbixinta deegaanka. Dhankiisa Faarax Cumar Nuur Xoghayaha guud ee FESOJ ayaa xoojiyay in FESOJ ay sii wadi doonto tababarada noocaan ah horana loogu soo qabtay deegaano kala duwan.

Tababarkan oo uu maalgaliyay midowga Yurub waxaa fulineysa FESOJ oo kaashaneysa Free Press Unlimited iyo VIKES.

HOOS KA DAAWO:- SAWIRADA

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here