Arbaco 27, Nov 2024 {CBB}Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta gobolkaas ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabeen ciidamada Itoobiya, waxayna qaadeen tallaabo culus oo la xiriirta xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka iyo Jubbaland.
Itoobiya ayaa lasoo warinayaa inay toos usoo faragelisay xiisadda taagan, waxayna bilowday dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwa ciidan oo ay ku taageerayso maamulka madaxweyne Axmed Madoobe oo mar kale dib loo doortay hoggaaminta Jubbaland.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in xadka gobolka Gedo uu la leeyahay dhinaca Itoobiya ay kasoo gudbeen ciidamo wata gaadiidka gaashaaman, isla markaana aanu qayb ka ahayn howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo howlgallo bilaabay.
Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya mas’uuliyiintii gobolka ee taageersanaa Jubbaland diyaarad gaar ah lagu geeyey magaalada Godey oo ay hadda kula shirsan yihiin saraakiil Itoobiyaan ah, waxayna kala hadlaan xaaladda kasoo cusboonaatay gobolka, kadib markii ciidamo dheeraad ay ku daabushay dowladda federaalka Soomaaliya.
Arrintan ayaa u muuqata mid ay Itoobiya uga faa’iideysaneyso xiisadda dowladda dhexe iyo Jubbaland, maadaama aynan xilligan isku wanaagsaneyn Muqdisho iyo Addis Ababa oo horay isugu qabtay heshiiska badda ee uu Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland.
Dhaq-dhaqaaqyada ciidamada Itoobiya ayaa si weyn looga dareemayaa gobolka Gedo oo sidoo kale dowladda federaalka ay dooneyso inay isku ballaariso, waxayna ciidamo gaysay degmooyinka Garbahaarey iyo Beledxaawo, si ay qayb uga noqdaan howlgallada socda.
Si kastaba, horay dowladda Soomaaliya ayaa Itoobiya ugu eedeysay inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, ayna sidoo kale ciidamadeeda la wareegeen garoomada iyo waddooyinka muhiimka ah ee gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.