Khamiis 28, Nov 2024 {CBB}Guddoonka Baarlamaanka oo sheegay in ay qaadayaan tillaabo sharciga la xiriirta, ka dib markii Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ay xarruunta golaha shacabka waxyeello ugu geysteen askar ka tirsan ilaalada golaha.
Hab-dhawraha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan oo booqday askari ku dhaawacmay buuqii shalay ka dhacay xarruunta baarlamaanka ayaa sheegay in xasaanad xildhibaannada aysan keeneyn in ay waxyeelo u geystaan askarta sugeysa Amnigooda.
“Falkaasi wuxuu ahaa mid ka fog anshaxa iyo la dhaqanka ilaalada golaha, xasaanadda xildhibaanka ma ahan in dhib geysan karo, taasi waa fadeexo, guddoonka Baarlamaanka tillaabo ayuu qaadaya sharciga ayaana lagu laaban doona” ayuu yiri Hab-dhawraha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Xasan.
Hadalka Habdhowraha ayaa ku soo aadaya xilli buuq kooban oo ka dhacay gudaha golaha waxyeelo ka soo gaartay askar ka tirsan ciidamada ilaalada iyo howlwadeenno kale.