Khamiis 28, Nov 2024 {CBB}Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa magaalada Ankara kulan gaar ah kula yeeshay xubno ka socday baarlamaanka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Guddoomiyaha Guddi Saaxiibtinimo ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Turkiga, Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo halkaasi safar shaqo ku jooga.
Guddoomiye Saadaq Cumar ayaa Madaxweynaha Turkiga Erdoğan u soo gudbiyay farriin uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Turkiga Erdoğan ayaa wafdiga ku ammaanay booqashadooda, isagoo uga mahadceliyay taageerada iyo shaqada wanaagsan ee ay ka qabtaan xoojinta xiriirka walaalnimo ee labada Baarlamaan.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga, Danjire Fatxudiin Cali Maxamed, iyo Guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Turkiga, Mudane Abdirahim Firat.