Khamiis 28, Nov 2024 {CBB}Maxamed Faarax Maxamuud Wasiirka Maaliyadda Puntland, ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu hoos u dhac ku yimid miisaaniyadda mashaariicda uu Bangiga Adduunka (World Bank) ku taageeri jiray Puntland.
hadalkaan ayaa ka sheegay Wasiirka kulankii uu baarlamaanka Puntland ugu gudbinayay miisaaniyadda sanadka 2025, si loo ansixiyo.
Si rasmi ah loo xaqiijin sababta keentay hoos u dhaca, Hase ahaatee, waxaa arrintaan lala xiriirinayaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda ayaa xusay in miisaaniyadda guud ee ka imaanaysa hay’adaha caalamiga ah ay korortay 18%.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu walaac ka muujiyay in hoos u dhaca miisaaniyadda World Bank uu saameyn ku yeelan karo mashaariicda muhiimka ah ee laga fulinayo Puntland.
Dhawaan ayay ahayd markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay inay fasaxday mashaariic horey ugu xayirnaa Puntland, kuwaas oo xayirnaantooda ay sabab u ahayd diidmada Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, sida ay sheegtay dowladda Federaalka.
Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa la filayaa inay si dhow uga doodaan arrintan, iyadoo qorshaha miisaaniyadda 2025 uu noqonayo mid xasaasi ah marka la eego xaaladda dhaqaale ee haatan ka jira Puntland.